Kiiskii Caa’isho Ilyaas oo muran cusub lugaha la galay & Deni oo amray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmo kahor amar ku bixiyay in Xabsiga la dhigo Taliyihii Laanta CID-da Puntland ee Gobalka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kaas oo haatan ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe.

 Taliyaha la xiray ayaa lagu heystaa inuu bixiyay Macluumaad la xariira Baaritaankii Kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir lagu kufsaday Gaalkacyo bishii Febaraayo, kuwaas oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddexda Eedeysane ee loo heysto inay ka dambeeyeen Kiiska.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu aad uga carooday talaabada uu ku kacay Col. Abshir, isagoona amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo, sidoo kalena lagu sameeyo baaris.

Qareennada Difaacaya saddexda eedaysane ayaa marar kala duwan ku dooday in hannaanka loo baaray kiiska Caa’isha ee adeegsiga dheecaanka hidde-sidaha DNA aan macluumaad buuxa laga bixin taasina ay shaki gelinayso xukunka ku dhacay eedaysanayaasha.

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa muddo Saddex jeer ah dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Caa’isho Ilyaas, oo horey Eedeynayaashu racfaan uga qaateen xukun dil ah oo ay ku riday Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Nugaal.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalinta sabtida ah ee soo socota ay dhageysato mar kale Dacwadda rafcaanka, Iyadoona go,aan ka gaari doonta kiiska oo ah mid lugaha haatan lasii galaya Murano badan.

Si kastaba ha ahaatee, Falkii afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho ilyaas aadan ayaa degaanada Puntland ka dhaliyay caro fara badan, iyadoona ay jireen banaan-baxyo hareeyay dalka, waxaana si weyn haatan isha loogu hayaa Go,aanka Maxkamadda racfaanku ay ka qaadan doonto Kiiska.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading