Kismaayo: Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Xeer muhiim ah (Sawirro)

KISMAAYO (IDIL NEWS)- Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo Maanta ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, kal-fadhiga 4-aad kulankiisa 67-aad ayaa ansixiyey xeer muhiim.

Kulanka ayaa waxaa xaadiray 43 Mudane,waxana kulanka uu shir guddoominayey  Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka  Jubbaland ay Xildhibaanada dood dheer ka yeesheen Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Dood dheer kadib Xildhibaanada ayaa waxa ay ansixiyeen xeerka Biyaha Jubbaland, sida uu fadhiga ka sheegay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed.

Sawirro.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading