Kismaayo: Shir looga hadlayo Hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo furmay (Sawirro)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbadda Hoose waxaa Maanta oo Talaado ah ka furmay Shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirada qorsheynta Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirka ayaa socon doona mudo dhowr cisho ah, waxaana diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, iyada oo uu maalgelinayo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Kismaayo ayaa la filayaa in uu soo xiro shirkaas.

Sawirro.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading