Maxaa kala socotaa Kobaca Dakhli,khibrad iyo Shaqo Ee W.Maaliyada PL 25-kii Sano Ee lasoo dhaafay?

Wasaarada Maaliyada Puntland,waxay gaartay horumar balaaran 25-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Miisaaniyada Dowlada Puntland,waxay ku bilaabatay $360-kun Bishii,waxayna haatan maraysaa $30-Milyan Bishii.

Xaqiiqdii waa talaabsi sare oo aan la dhayalsan karin,waxaana xusid mudan sida Bulshada looga dhaadhiciyay bixinta Canshuuraha.

Waxaa hada gaba-gaba maraya Midaynta Khasnada Dowlada oo Wasaarado door ah,ayaa hirgeliyay nidaamkaas.

Wasaaradu,waxay leedahay Dhismayaal ay ku shaqayso oo si casri ah loo dhisay iyo Shaqaale khibrad leh.

Lama soo koobi karo horumarka ay samaysay Wasaarada Maaliyada 25-kii sano ee ay Puntland jirtay.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading