Konfadareeshinku waa xalka Somaliya Ee Mustaqbalka!!

Konfadareeshin macno weyn,ayuu usamaynayaa Somalida maanta ee kala irdhowday.

Qarka waxay usaaran tahay in Deegaan walbaa iskiis ugu dhawaaqo madax banaani,halka mid kamid ah mar hore go’aankaas uqaadatay.

Konfadareeshin waa nidaamka kaliya ee lagu sii hayn karo waxa maanta loogu yeero Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya.

15-sano ka hor waxaa la yagleelay Dowlad ku dhisan nidaamka Fadaraalka,balse taasi waxay hada umuuqataa in la xagal daacinayo.

Fashilinta iyo fara tagaysiga lagu hayo nidaamkii Fadaraalka ee dalku qaatay waxay soo dadajin kartaa kala tag aan dib layskugu soo laaban.

Hadaba si looga hortago kala fogaansho sii xoogooba oo Umada Somaliyed sii kala dhexgala,waxaa lama huraan ah in sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgaliyo nidaamkan Konfadareeshinka.

Nidaamka Konfadareeshin waxuu yaraynayaa galgalka ay ulahaan karaan kuwa niyada ku haya in ay mar uun arkaan Dowladii kalitalisnimada ku dhisnayd ee halka Magaalo.

Sidoo kale waxuu kalsooni galinayaa Bulsho weynta Somaliyed oo taladooda u arki doona mid iyaga gacanta ugu jirta oo aysan shaqsiyaad kooban ku tagri fali karin.

Isku soo wada duuboo xalka Somaliya ee mustaqbalka waa qaadashada nidaamka Konfadareeshinka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading