koox ka mid ah kuwa afduubta oo muqdisho caawa lagu qabtay

Fiidnimadii caawa ayaa kooxo hubeysan waxaa ay ku toogteen qof shacab ah degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir kuwaas oo watay gaari, hase ahaatee ciidanka amniga oo goobtaas ka ag dhowaa ayaa qabtay kooxdii dilka geysatay, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada.

 Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in kooxda dilka fulis ah ay tiro ahaan gaarayeen labo ruux oo bastoolado ku hubeysanaa, iyadoo ciidanka amniga degmada ay hadda wataan baaritaano arinta la xiriira.

Talaabadan ayaa keeni karta in ay yeraadaan fal dambiyeedyada abaabulan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, maadaama kuwo badan oo horey dil u geystay ay baxsadeen


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading