Kooxda sare ee fulinta Midowga Afrika oo la kulmaya Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga.

Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading