Kooxda sheegata Hay’adda Culimada Somaliyed Oo ka digay Bandhig faneedyo lagu qabanayo Muqdisho

Kooxda sheegata Hay’adda Culimada Somaliyed ayaa digniin ka soo saaray bandhig faneedyo lagu wado in 20-ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in la joojiyo.
 
Guddoomiyaha Hay’addaas Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay bandhig faneedyada lagu wado in lagu qabto Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhalinyarada in aanay lacagtooda ku bixin Carada Alle.
 
Waxaa uu ku dhaliilay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda in Fanaaniinta ay ku soo dhoweeyeen Muqdisho, si ay u dhigaan bandhig faneedyo aan anshaxa iyo diinta ku wanaagsaneyn
 
“Waxaan u soo jeedineynaa shacabka, gaar ahaan dhalinyarada in aanay ka qeyb gelin bandhig faneedkaas oo aanay lacagtooda ku bixin carada Alle iyo cadaabta”ayuu yiri Guddoomiyaha Hey’adda Culimada.
 
Fanaanada Kiin Jaamac iyo Fanaaniin kale ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasoo bandhig faneed ku qabanaya mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaana labadii maalmood la soo dhaafay baraha bulshada lagu xayeysiinayay bandhig faneedka la qabanayo.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading