Kooxda Xuutiyiinta weerar cirka ah ka fuliyay Sacuudiga

Dagaalyahanada xuutiyiinta ayaa duqeeyay madaarka ku yaal magaalada Najran ee dalka Sacuudiga.

Tv-ga Al-Masriyah oo ku hadla afka Xuutiyiinta ayaa tabiyay in duqeymaha diyaaradaha Drone-ka oo ay ku weerarayaan Sacuudiga ay kor u Qaadeen.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii sadaxaad oo mudo todobaad ah kooxda Xuutiyiinta ka geestaan Sacuudiga. Dowlada Imaaraadka oo qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidanka difaaca Sacuudiga ay dhulka dhigeen diyaarada weerarka ku qaaday magaalada Najran.

Afhayeenka isbaheysiga sacuudiga Colonel Turki al-Maliki ee howlgalka ka wada Yemen ayaa wakaalada wararka ee SPA u sheegay in la burburiyay diyaarad Drone ah

Garoonka Al-Najran ayaa maalintii waxaa ka duula kumanaan ruux oo rakaab ah. Tani ayaa ka dhigan in Sacuudiga uu ku Furmayo dagaal kale oo ka dhan Xuutiyiinta Yemen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading