Kor uqaadida Xuquuqda Bini’aadamka PL oo laga Shiray

Garoowe: 08 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, arrimaha amniga iyo Garsoorka.

Sidoo kale, Guddoomiya Xafiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha wuxuu warbixin kooban ka siiyey Madaxweynaha waxqabadka Xafiiska iyo muhiimada doorka kor-joogtaynta xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey dedaaladda iyo waxqabadka muuqda ee Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland, wuxuuna dhiirigeliyey horumarinta hawlaha Xafiiska iyo xoojinta wada shaqaynta.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading