Kormeer Wadajir ah oo ay wada sameeyeen G.W.PL iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha PL.

Badhan: Kooxda Kormeerka Wadajirka ah oo ka koobneyd Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Guddoomiye Avv. Siciid Cabdi Mumin iyo Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland ee kala ah Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda iyo Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa ayaa kormeer shaqo ku tegay magaaladda Badhan.

Ujeedka kormeerka oo ahaa mid loogu kuurgalayey xaaladda xuquuqda aadanaha iyo helidda caddaaladda da’yarta. Kormeerka waxaa diirada lagu saarayey hay’adaha Sharci-fulinta, Garsoorka, maxaabiista ku xiran xabsiga, saldhigyada iyo shaqada laamaha caddaaladda iyo amniga gobolka sanaag ee degmada Badhan.

Kormeerka waxaa ka qayb-qaatay maamulka gobolka, degmada, wasaaradda Caddaaladda iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Difaacaha iyo Guddiyada Golaha Wakiillaada Puntland, waxay shirar gargaar ah la yeesheen intii ay kormeerka ku guda-jireen maamulka Gobolka Sanaag, Taliska qaybta Booliska, taliska, maxkamadda racfaanka iyo degmada, iyo xeer-ilaalinta, waxayna booqdeen xaarumaha laamaha amnig, xabsiga iyo Xarunta garsoorka ee cusub, iyagoo waraysi la yeeshay maxaabiista xabsiga ku xiran.

Sidoo kale, kormeerayaashu waxa ay kormeer ku tageen xafiiska garsoor dhaqameedka degmada Badhan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading