Ku dhawaad 10-Alshabaab ah oo dukhayn lagu dilay

Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabab.

Duqaymahan ayaa dhacay xalay, waxayna ka dhaceen meel fog oo u dhow degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in hawlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo gaarin.

AFRICOM ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading