Ku dhawaad 30-Qof oo Shacab ah,ayuu Ruushku ku dilay Gantaallo uu ku garaacay Ukrain

Tirada Dadka ku dhintay Gantaal uu Ruushku ku dhuftay Guri dabakh ah oo ku yaalla Magaalada Dnipro ee dalka Ukraine,ayaa Axadda maanta ah kor u dhaaftay 21 qof, iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay ku jiraan howlo ay ku qodayaan burburka oo ay ka baadi goobayaan dad wali nol.

Ugu yaraan 35 qof ayaa wali la la’yahay 73 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida uu Mykola Lukashuk, oo ah madaxa golaha deegaanka ee gobolka kusoo qoray barta Telegram-ka.

Dhismahan Dnipro, oo ah magaalo ku taal bariga dhexe ee Ukraine, ayaa qayb ahaan la burburiyay intii ay socdeen weerarro xiriir ah oo dhacay Sabtidii, waana weeraradii ugu xoogganaa ee uu Ruushku qaado muddo laba toddobaad gudahood ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading