Ku simaha Talyihii Taraafikada Xamar oo xilkii laga wareejiyay

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaan Taraafiko Jen, Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab) ayaa maanta xilkii uu kusii simaha u ahaa laga wareejiyay saddex bilood ka hor markii xilkaa loossii dhiibay
 
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilka ka wareejiyay Talye Cali Gaab.
 
Wararka ayaa sheegaya in Jen. Cali Gaab Taleefan loogu sheegay in xilkii uu ku simaha ka ahaa laga wareejiyay.
 
Jen. Cali Gaab ayaa ahaa Ku simaha Talyaha Ciidamada Taraafikada, iyadoo uu xilkan ku sii simayay Taliye Cali Maxamed Cali oo howlo caafimaad dibadda ugu maqnaa.
 
Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Maxamed Cali ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay la wareegay xilkiisa-

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading