Kufsi iyo dil ka dhacay Muqdisho

Allaha u naxariisto Xamdi Maxamed Faarax oo katirsan ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu aasay ama lagu duugay Muqdisho.

Sida ay Mustaqbal uu sheegeen qaraabada Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhimatay kaddib markii Shalay lagu kufsaday degmada Waaberi kaddibna laga tuuray dhisme dabaq ah.

Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Ciidamada Booliska oo xaqiijinaya falkan naxdinta leh iyo cidda ka dambeysay, laakiin dadka ku dhow Gabadha dhibaatadu gaartay ayaa sheegay inuu socdo baaris, isla markaana loo fasaxay inay aasaan, kadib markii CID-da ay baaritaan ku sameysay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading