Kulan muhiim ah oo ka dhacay Wasaaradda Deegaanka Puntland

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle ayaa Shirgudoomiyey shirka isla xisaabtanka madaxda wasaaradda iyo agaasimayaasha kaladuwan ee waaxyaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” waxaana goobjoog ka ahaa agaasimayaasha kaladuwan ee waaxyaha ay ka koobantahay wasaaraddu iyadoo looga hadlayey shaqooyinkii u qabsoomay waaxyaha kaladuwan ee wasaaradda, caqabadaba ka jira shaqada, hormaradii laga gaaray Hiigsiga wasaaradda iyo qorshayaasha quseeya hormarinta howlaha shaqo ee wasaaradda.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading