Kulan u dhexeeyay QoorQoor, Laftagareen, Kheyre iyo Guuleed oo fashilmay

Kulan u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Dowladda Qatar, kana socda Dalka Turkiga ayaa fashilmay kaddib markii uu isaga baxay Xasan Cali Khayre.

Khayre waxuu ka carooday markii loosoo jeediyay in uu Farmaajo la shaqeeeyo oo Plane A laga dhigto,waxuuna ku dooday in uusan Farmaajo fursad dib udoorasho lahayn mudnayna in wakhti iyo dhaqaale lagaliyo.

Kulanka oo ay soo abaabushay Dowlada Qatar,ayaa ujeedka laga lahaa uu ahaa in Plane B loogu abaabulo Farmaajo hadii Plane A socon waayo.

Qatar waxay usoo jeedisay Khayre in uu galo Palne B oo uu fursad siiyo Farmaajo marka hore,balse waa ku gacan sayray waana ka baxay kulankii.

Maalmaha soo socda,ayaa la ogaan doonaa halka uu ku danbeeyo kulankaas iyo waxa kasoo baxa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading