Garowe: 22 June 20ttoor, ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka Dowladda iyo Dadweynaha, oo ahaa kulan Bulshada lagula wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh xukuumadda 2024-2029, iyadoo Dadweynaha fursad loo siiyey in ay ku biiriyaan wixii tallo iyo suβaalo ah.
Madasha waxaa mudnaanaha hortebinta u leh xukuummadda 2024-2029, kusoo bandhigay Afar Guddi oo ka kooban Golaha Xukuumadda kuwaasi oo kala ah :- Guddiga Maamul wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga, Guddiga horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha , Guddiga horumarinta wax-soosaarka iyo Guddiga horumarinta Arrimaha Bulshada .
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo sida furan ee bulshada iyo Dowladdu tallooyin iyo suβaalo isu weydaarsadeen, wuxuuna kula dardaarmay dadweynaha Puntland dal iyo dibadba in laga shaqeeyo midnimada, wadajirka iyo horumarka Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , Culimaaβudiinka, Dhaqanka , Ururada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Halkan ka daawo muuqaalka
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.