Kulankii Farmaajo, Deni & Madoobe oo baaqday

Kulankii caawa la filayay inay yeeshaan Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa baaqday.

Sababaha kulanku uu u baaqday ayaa lagu sheegay Shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA ayaa galabta kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Muqdisho, kaas oo si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inuu kulankaas kusoo dhamaaday fashil.

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland & Jubbaland ayaa kulan gaar ah caawa leh, kaas oo lagu xoojinayo mowqifka labada dhinac.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading