Kulankii shalay Ee Gudiga Doorashada Fadaraalka iyo Beesha Caalamka oo fashil kusoo idlaaday

Gudiga Doorashada,ayaa utagay Deeq bixiyaasha Shalay,waxayna ka codsadeen oo hordhigeen Miisaaniyad ay ku shaqeeyaan tan iyo Sanadka danbe bishiisa 4-aad.

Safiirada Beesha caalamku waxay waydiiyeen su’aal ahayd…

Miyaynaan soo gudbin Jadwal Doorasho oo dhigayay in 16-ka Bishan ay bilaabato Doorashadu kuna soo gabagabowdo December?

Waxay ku jawaabeen..Haa !!

Su’aal kale,ayaa la wadiiyay oo ahayd….

Hadaba ilaa Bisha Afraad ee Sanadka danbe yaad ushaqaynaysaan?

Waxay ku jawaabeen..waa hadii ay dhacdo in laysla gaaro !!

Safiirada Beesha Caalamku waxay ugu jawaabeen naga raali ahaada !!!

Kulankaas shalay waji gabax,ayaa kasoo raacay Gudiga Doorashada Fadaraalka.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading