![](https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/02/5870801728050415945_1217976389673103685769.jpg)
Magaciisa oo saddexani waa Ibraahim Cali Cabdi, waxaase kooxda Al-Shabaab looga yaqaanay Adeer Cali ama si kale magiciisa Xarakiga ah Anta Anta. Sidaa dataadeed, inta qormadaan aynu ku jirno waxaynu ugu yeeri doonaa magacii uu ku caan baxay ee Anta Anta.
Haddaba, Anta Anta waxa uu kamid ahaa jiilkii labaad ee kooxda Al-Shabaab, waa jiilkii 2000-2005 lagu tababbaray guryihii sirta ahaa ee ay kooxdu ku lahayd magaalada Muqdisho. Waxaa jiilkaa kamid ahaa Anta Anta, Timajilic, Maxamed Qalbi iyo rag kale oo badan.
Anta Anta, waxa uu kamid ahaa raggii fuliyay hawlgalkii fajacisada iyo argaggaxa reebay ee dhacay mid kamida habeennada bishii Luulyo ee sannadii 2005. Waa hawlgalkii lagu khaarajiyay Cabdiqaadir Yaxye!!
Cabdiqaadir Yaxye waxa uu ahaa mid kamida samafalayaasha ugu caansan ee magaalada Muqdisho joogay. Habeenno kahor khaarijintiisa waxa uu soo qaatay mashruuc iyo malafkii naftiisa galaaftay. Maadaama awoodda markaa Xamar ka jirtay ay ahayd Hoggaamiye Kooxeedyadii, waxa uu Cabdiqaadir Yaxye soo qaatay mashruuc ah; inuu isku xiro oo mideeyo awoodda Xamar ka jirta, deedna ku sii xiro sirdoonka Maraykanka (CIA), deedna si wadajir ah mid mid loo siibo oo loo ugaarsado ururdiimeedyada huursan ee soo kacaya.
Haddaba, kooxda Al-Shabaab oo markaa magac ahaan iyo muuq ahaan aanan u jirin ayaa ku baraarugay khatarta ku soo wajahan iyaga oo curdin ah. Intaas kadib saqdhexe ayay khaarijiyeen Cabdiqaadir Yaxye, waxayna Kombuyuuter-kiisa ka shubteen xogtii sirdoon iyo wixii kale ee ugu jiray.
Haddaba, Anta Anta kooxdaas hawlgalka fulisay ayuu kamid ahaa… Cabdiqaadir Yaxye, kolkii la dilayay waxa uu Agaasime ka ahaa hay’ad samafal oo loo soo gaabinayay CRD. Waxaana Agaasime ku xigeen u ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo ah iminka (Madaxweynaha Soomaaliya) kaas oo la wareegay kadib dilkii Cabdiqaadir Yaxye.
Fasuul Cabdalla oo ahaa Madaxii Alqaacida ee Geeska Afrika ayaa buuggiisa aad ugu faafaahinaya dhacdooyinkii kiiskaas, hawlka iyo qaabkii loo khaarijiyay Cabdiqaadir Yaxye.
Anta Anta inta la ogyahay xilkii u horreeyay ee uu qabtay waxay ahayd laan kamida maktabka qaraxyada. Maktabka ayaa u kala qaybsanaa labo laamood. Waa laanta farsamada iyo laanta fulinta ee qaraxyada. Tan hore waxaa hayay Maxamuud Maxamed Salaad (Maxamuud Qalbi) oo ahaa walaalka iyo da’dii ka yarayd Mahad Salaad. Anta Anta waxa uu hayay laanta fulinta, wixii qarax ah ee uu Maxamuud Qalbi soo farsameeyo ayuu Anta Anta sii fulin jiray.
Kadib markii uu Janaayo, 2009-kii ku dhintay Maxamuud Qalbi dagaal aad u culus oo ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaa labadii laan oo la mideeyay la wareegay Anta Anta. Maktabka Qaraxyada ayaa loo bixiyay, waxaana masuul looga dhigay Anta Anta.
Qaraxyadii caanbaxay ee uu Anta Anta soo farsameeyay waxaa kamida; qaraxii Hotel Shaamoow (Diseembar, 2009), qaraxii Hotel Muna (Agoosto, 2010), qaraxii Hargaha iyo Saamaha (Oktoober, 2011),, qaraxii Kambaala (Luulyo, 2010), qaraxii tiyaatarka (Abriil, 2012) IWM.
Sidoo kale, qaraxyadii dhacay inta uu ahaa madaxa fulinta ee maktabka qaraxyada waxaa kamida amaba ugu caansan; qaraxii Istaadiyoom Muqdisho ee la la rabay in RW Cali Maxamed Geedi lagu khaarajiyo (May, 2005), qaraxii Baydhabo ee MD Cabdillaahi Yuusuf Axmed Allaha u naxariistee la la eegtay (Sebteember, 2006), qaraxyadii mataanaha ahaa ee mar kaliya laga wada fuliyay Hargaysa iyo Boosaaso (Noofeembar, 2008), IWM.
Ugu dambayn, Ibraahim Cali Cabdi (Anta Anta), waxaa duqayn diyaaradeed ku dilay Dawladda Maraykanka. Oktoober, 2013-kii ayaa gantaal la la eegtay gaari uu saarnaa oo marayay deegaanka Dhaaytubaako ee gobolka Jubbada Dhexe. Waxaa gaariga la saarnaa hal nin oo kaliya. Kaas oo magaciisa ahaa Cabdirashiid Baale. Waxa uu hayay jagada Amiir ku xigeenka Wilaayaadka. Waxa uu u dhigmaa sida Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo kale. Waxaa la sheegaa inay markaa u socdeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose. Ayna kula ballansanaayeen Axmed Cabdi Godane oo shir degdeg ah ugu yeeray, lama xaqiijin karo in shirkaas uu Godane ugu yeerey ay Shirqool loo maleegayay ahayd iyo inuu dilkiisa wax ka ogaa.
Marka lagasoo tago duqayntii Maraykanka iyo inuu Anta Anta ahaa arggagixiye weyn, waxaa kale oo ay sirdoonka Maraykanku heleen in Anta Anta uu kooxda Al-Shabaab u samaynayay gantaallada maxalliga ah ee ay isticmaalaan ururka Xamaas. Samayn iyo farsamo ahaanba waa uu ku guulaystay, balse cabbirka iyo kontoroolka gantaalka ayuu ku fashilmay. Isaga oo markale iskudayaya ayeey Maraykanku dileen.
Anta Anta qaraxiisii u dambeeyay ee uu farsameeyay ee la fuliyay kahor inta aan la duqayn waxa uu ahaa midkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sebteember, 2013, waxaa qarax weyn oo laba gaari oo saarif ah la la eegtay Madaxwaynaha haatan ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Isgoyska Aargada ayuu qaraxaasi ka dhacay. Mid kamida saarifyada waxaa waday naag. Qaraxaasi waxaa ku dhintay in kabadan 61 qof. Waa uuna ka badbaaday Axmed Madoobe qaraxaas, iyada oo ay dhinteen raggii la saarnaa gaarigii uu sida khaaska ah ugu jiray.
Anta Anta waxaa xilka kala wareegay nin Xawaadle ah oo la dhaho Ismaaciil Injineerka oo illaa haatan haya maktabkaas qaraxyada ah.
Ibraahim Cali Cabdi ‘Anta Anta‘ waxaa uu kasoo jeeday qabiilka Maxamuud Hiraab (Duduble), waxaa uu masuul ka ahaa oo farsame iyo fulinba ku lug lahaa wax alle wixii qarax ah ee dhacay May, 2005-tii illaa Sebteember 2013-kii. Xataa waxaan oran karnaa isaga ayaa masuul ka ah wixii qarax ee dhacay dhimashadiisa oo dhan, Sababta oo ah, Ismaaciil Injineerka ninka soo tababbaray waa Anta Anta.
WQ:// AW Dacar
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.