KURDIDU WAA UMMADD AYAANDARAN
Kurdidu waa ummad tiradeeda la gu qaddaro 35 malyuun oo qof. Asalkooda fogi ma aha Bariga Dhexe ee waa dhulka loo yaqaan Aasiyada Yar (Yurubta Bari iyo Aasiyada Waqooyi dhexdooda). Ka mid ma aha dadyowga loo yaqaan “Semitic” – Saami.
Imbaradooriyaddii Cabbaasida ayay dadkani ka dhex muuqdeen awood ahaan markii kowaad oo kaalin millateri iyo tu siyaasadeedba ku yeesheen. Laakiin dhanka fikirka Islaamka wax yar bay ku darsadeen (fikirka Islaamka innagu waxba ku ma aynnaan darsan). Xagga dagaalka waxaa ka dhashay halyeygii weynaa ee Salaaxuddiin Ayuubi, oo asaas u noqday dawladdii Ayuubiyada ee boqol jirsatay.
Dadka kurdidu abuur ahaan waa dad aad u dhiirran oo geesiyaal ah, tabta soomaalida, waana dad dhaqankooda dhabta ahi ahaan jiray xooladhaqato. Sidii ay Carabtii Cabbaasidu askar u ga dhigtay tab la mid ah ayay Turkidii Cismaaniyaduna u ga dhigatay. Labada jeerbana iyagu ma ay gaadhi jirin dawladnimo.
Barta ay dunida ka ga yaallaan baa Ilaahay ku ciqaabay oo dawlado waaweyn iyo ilbaxnimooyinka Islaamka iyo Masiixiga ayaa dhulkooda ku loollama. Waa dad ayaandaran oo quwada casriga ah ayay badhtanka u gu jiraan: Eeraan, Ciraaq, Suuriya, Turki iyo Ruush (Turkumanistaan). Waa ummad ayaandaran.
Dagaalkii dhowaan la gu jabiyay “Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Suuriya” Kurdidu hormuud bay ka ahaayeen oo wax ay ku waayeen 12000 oo nin. Wax ay intaas oo wiil u hureen in Maraykanka iyo Galbeedku aqoonsado. Laakiin wax walba asalkii baa la gu soo celiyay. Dawladihii weli waa saaxiib, Kurdidiina weli waa addoomo.
Soomaaliyey gobannimada Rabbi innagu mannaystay, ee aan cid innaga qaadday jirin, innagu yaynnaan is ka qaadin. Haddii kal cuqubadaa Kurdida innaga tirada badan haysata ayaa ina heli karta.
W/Q: Ibraahim Hawd Yuusuf
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.