Wassaaradda Arrimaha dibada kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtey dhoolatuska balaaran ee ay wada jirka u samaynayaan Maraykanka iyo Kuuriyada koonfureed iyo sidoo kale hanjabaada Maraykanka ee ku aadan Pyongyang inay horseedayso dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya.
Xiisada gacanka Kuuriya ayaa sii xumaanaysey bilihii u dambeeyey kadib markii kuuriyada Woqooyi si isdaba joog ah u tijaabisay nooca xambaara Madaxyada Nuclearka
Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtey todobaadkii la soo dhaafey inay tijaabisey gantaalihii ugu badnaa isla markaana horumar balaaran ka samaysey xaga gantaalaha qaaradaha iskaga gudba sidoo kalana waxay iska dhaga tirtay baaqyada iyo qaraarkii Qaramada Midoobey ee looga dalbanayay inay joojiso tijaabada gantaalaha
La-taliya amniga Qaranka Maraykanka HR Mcmaster ayaa sheegay in halista dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya maalinba maalinta ka dambaysa soo dhawaanayo
Arbacadii la soo dhaafay dhoolatuska waxa kusoo biiray diyaarada casriga ah ee P1P waxaanu socon doonaa ilaa jimcaha.
Ayub A. Ali -Idil News.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.