Kylian Mbappe “Sawirada Ronaldo ayaa ku dhagan darbiga qolka jiifkeyga”

Weerar yahanka da’da yar ee kooxda PSG ayaa si cad u soo muujiyay jacaylka uu u qabo laacibka Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu marwalba ku daydo Cristiano Ronaldo oo ah laacib uu si wayn u taageero.

Wuxuuna sheegay in darbiga qolka jiifkiisa uu ku sharaxay sawirada Cristiano Ronaldo waqtigii uu yaraa.

“Ronaldo? Aad ayuu saamayn iigu lahaa yaraantaydii, sawiradiisa ayaa iigu dhagnaa qolka jiifka” ayuu yiri Kylian Mbappe.

“Waa laacib aan jeclahay, wuxuu leeyahay xirfad cajiib ah laakiin shaqadii uu qabtay ayaa u badashay inuu noqdo halyeey”.

Kylian Mbappe ayaa ku dhawaaday 2013 inuu ku biiro akadeemiyada Real Madrid markaas oo sawir la galay Cristiano Ronaldo.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading