La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo fasiraad ka bixiyey iclaamintii xaalad dagaal ee Farmaajo

Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6dii April 2016.

 Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay in aysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballan qaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaana ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.

Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.

Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn  ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu dambeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’adda soo saari karta Xaaladda Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading