La taliyihii Amniga Qaranka Farmaajo oo ku baaqay in Alshabaab ka difaacdo Itoobiya Dhulka Somaliyed

In uu Afkiisa kasoo baxo hadal udhigma ..”Shabaab in ay la dagaallamaan Itoobiya,iyagoo difaacaya Dhulka Somaliyed”,waa qayr masuulnimo.

Shabaab mahan koox loo tusi karo Bulshada Wadaniyiin difaaci kara qiyam Somaliyed.

Shabaab waa argagixiso khatar ku ah Amniga,jiritaanka,qiyamka,Diinta iyo Dowladnimada Somaliyed.

Cabdi Siciid hadalkiisa,waa mid soo afjaray hankiisii Siyaasadeed isaga iyo kii kooxda uu ka tirsan yahay ee Nabad iyo Nolol oo muujinaya sida Shabaab iyo kooxdaas iskugu dhawaayeen.

Sidoo kale hadalkiisu,wuxuu fursad usamaynayaa oo waliba umuuqdaa in lagu taageerayo RW Abiy.

Waxaa muuqata Dadkii diidanaa Dowladii Fahad iyo Farmaajo aysan ku khaldanayan diidmadoodii xooganayd marka la qiimeeyo aragtidooda ay ka qabaan Shabaab.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading