Laamaha amaanka Jubaland oo fashiliyay Qarax

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland,ayaa waxa ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saareen deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose.

Miinadan,ayaa Gaar ahaan laga soo saaray Goob War ah oo ay Xoolaha Biyaha ka cabaan,sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Jubaland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee hawlgalka fashilinta Miinada hogaaminayay ma aysan sheegin haday jiraan shaqsiyaad ay usoo qabteen aasida Miinada ma ay goobta ku qabteen.

Jubaland,ayaa bartanka uga jirta dagaal dhinacyo badan leh oo ay kula dagaalamayso dagaalamayaasha Alshabaab .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading