Laanta Socdaalka Zambia oo raaligelin ka bixisay Raafkii Ndola

Qunsulka Safaarada Somalida Zambia Yaasiin Seed,ayaa ii sheegay in Dowlada Zambia balan qaaday in aysan dib udhacayn xarigii ama Raafkii maalinkii dhawayd ka dhacay Magaalada Ndola oo kale,isla markaana raali gelin ay ka bixinayaan.

Lunga Agaasimaha Hay’ada Socdaalka Zambia,ayaa si cad usheegay in Somalidu Dalkan sharci ku joogto.

Madaxda Safaarada Somalida ee Zambia oo Maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Laanta socdaalka Zambia ( the Director General of Zambia imigration) , Mr. Denny Lungu,ayaa sidoo kale kawada hadlay arimo muhiim u ah Somalida Dalkaas ku nool,soda uu sheegay Qunsulka Safaarada Somalida Zambia.

Safaarada Somalida ee Dalkaas,ayaa lagu dhaliilay sida ay uga falcelisay Raafkii Ndola.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading