Laascaanood: Ciidanka Somaliland oo xiray dad kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya

Ciidammada Somaliland ayaa raaf ka dhan ah dadka ka yimaada koonfurta Soomaaliya ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Dadka la aruurshay ayaa u badan ganacsatada kasoo jeeda deegaanada Maamul-gobaleedka Koonfur Galbeed, Ciidanka Somaliland ayaana dadkan isugu geeyay garoonka kubadda cagta magaalada Laascaanood, iyadoo loo diiday in la noqdo.

Lama oga ujeedada ka dambeysa xariga Ciidanka Somaliland ay u geysanayaan dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalkii kooxo aan heybtooda la aqoon ay sanado badan ugu geysanayeen magaalada Laascaanood haldoorkii gobalka Sool.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading