Laba arimood oo Xasan udiidan yahay in masuul kale ka qaybgalo Shirarka caalamiga ah

Rwanda,Burundi iyo UK,ayuu isku marayaa MW Xasan maalmaha soo socda.

Sabab ku khasbi kartaa,isagoo Gacan uduuban tahay in uu Shirarka caalamiga ah dhex wareego Madaxweynaha Somaliya majirto.

Waxaa ku matali kara Somaliya Ra’isalwasaaraha,ku xigeenkiisa iyo Wasiirada.

Balse dhamaan Dowlada uu Odayga ka yahay MW Xasan kuma kalsoona umana quuro in ay matalaan Xubnaha qaybta ka ah.

Laba arimood,ayuu udiidan yahay in matalaada Somaliya ee fagaarayaasha caalamka lala wadaago kuwaasoo kala ah…

1.Fursad walba oo Dhaqaale lagu heli karo in uusan Qof kale arag,xataa Sooryaynta.

2.Fursad muuqasho in uusan yeelan Ra’isalwasaare iyo Wasiir toona.

Tusaale?

Shirkii Afrika iyo Sacuudiga,waxaa Boqortooyadu Sooryo ahaan usiisay Dal walba $1-Milyan,waana sababta keentay in MW Xasan baajiyo RW Xamse oo markii hore la qorsheeyay in uu Somaliya ku matalo Shirkaas.

Sidaas,ayuu waliba kusii raadinayaa MW Xasan in Dastuurka la badalo oo laga guuro Ra’isalwasaaraha.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading