Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa laba Haween Soomaaliyeed ah oo lagu soo oogay iney dhaqaale u uruurinayeen Maleeshiyada Al-shabaab ku riday xukun Xabsiyo dhowr iyo toban sano ah.
Labada Haween ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Cismaan Jaamac, oo 36-jir ah, iyo Hinda Cisman Dhiirane, oo 46-jir ah.
Maxkamadda ayaa Muna ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.
Qareenada Difaacaya Muna iyo Hinda ayaa sheegay in lacagaha ay u direen dad agoon ah, balse Maxkamaddu ay ka diiday arrintan oo ay ku sheegtay in kiiska haweenka lagu soo oogay uu yahay mid iska cad.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.