Laba Qarax oo ka dhacay Muqdisho

Weerar loo adeegsaday laba Gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay,ayaa lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Wasaarada Waxbarashada,ayaa xarunteedu ku taallaa inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir.

Goobjoogeyaal,ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Laba Qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado.

Qaraxa,ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac, laakin lama oga khasaaraha rasmiga ah. Mas’uuliyiinta amniga aysan wali ka hadlin.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, laakin inta badan qaraxyadan ceynkan ah,ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading