Laba Qodob oo muhiim ah iyaguna in la dul istaago….

Laba Qodob,ayaa muhiim ah iyaguna in la dul istaago….

1.Wasiirada hadana ah Xildhibaanada oo aan imaan fadhigii saakay oo aan difaacin Dowladooda,marka laga reebo tiro yar.

Waxaa muuqatay in Dadka markii hore loo xushay Wasiirada ee ahaa Xildhibaanada in ay jilicsanaayeen oo aysan ku filnayn difaacashada Kuraastooda.

2.Awood qaybsiga 4.5 ee dhanka Beesha Direed oo ubaahan dib usixid,maadaama Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare ku xigeenkii ay noqdeen isku beel (Garxajis).

Habar Awal waxay haysataa Gudoonka Aqalka sare,waxaase hada qatan Habar-jeclo.

Sida muuqata Beesha Isaaq,ayaa isku heli doonta Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare xigeenkii iyo Aqalkii sare,halka Beelaha kale ee Direed lagu hayn doono Wasiiro (B) ah.

Dad badan,ayaa qaba in isku Shaandhayntan ay soo dadajisay talaabadii Wasiirka Maaliyada iyo waxii ka dhacay Baarlamaanka.

Sida la filayo,waxaa jiri doona Isku Shaandhayn kale.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading