Labada Kuuriya oo markale qarka usaaran in dagaal dhexmaro.

Kuuriyada Waqooyi,waxay ku doodaysaa in Kuuriyada Koonfureed usoo dirtay Hawadeeda Diyaaradaha duuliyaha lahayn ee Drons-ka Bishii lasoo dhaafay tiro ka Sadex jeer,waxayna si gaar ah usoo gaareen Hawada Caasimada Siyool.

Kuuriyada Waqooyi,waxay heegan gelisay Ciidankeeda waliba Qaybta Madaafiicda,iyadoo ku goodisay hadii Drons danbe soo galo Hawadeeda in ay jawaab adag oo ah dagaal toos ay kaga falcelinayso.

Hadalka hanjabaada ah,waxa uu kasoo yeeray Gabadha awooda badan ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed dhankeeda,waxay ku dooday in eedaynta Kuuriyada Waqooyi ay tahay marmarsiiyo dagaal oo aysan waxba ka jirin.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading