Laftagareen oo ka hor yimid in Shirka Madasha lagu qabto Xamar iyo Jowhar

Laftagareen,waa diiday in uu ka qaybgalo Shirka Madasha,hadii lagu qabanayo Xamar, Jowhar iyo Baydhabo.

Badalka,waxa uu soo jeediyay in lagu qabto Kismaayo ama dhuusamareeb.

1.Baydhabo,waxa uu udiidayaa in Maritinimada lagu gaado oo tanaasul uu bixiyo.

2.Xamar,waxa uu udiidayaa Xasan,ayaa Xeerilaaliyaha ku amray in Laftagareen lagu soo oogo Dacwad khiyaamo Qaran ah,sidaa daraadeed in Garoonka Diyaaradaha laga qabsado,ayuu ka baqayaa.

3.Jowhar,waxa uu ka diidayaa,waxay la mid tahay Xamar oo waa lagu dhibaatayn karaa.

Laftagareen si qurxoon,ayuu usoo dhaweeyay fariin sidaha Xasan,waxa uuna uxaqiijiyay isaga in uusan dhib ku qabin,isla markaana dhankiisa wuxuu uga digay in aan loo isticmaalin.

Waxaa kaloo xusid mudan in Laftagareen udhiibay fariin sidaha Xasan Warqad dheer oo uu ku dalbanayo isla xisaabtan….

1.Wasiirada KG ku matalaya DFS in laga tixgeliyo.

2.Hubka,Saanada iyo tababarada Ciidan ee la helo in Qaybtooda ay ka helaan.

3.Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo adeegyada kale in ay Qaybtooda helaan.

Laftagareen,warqad dhawr Bog ka kooban oo wada dalab ah,ayuu fariin sidaha udhiibay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading