Laftagareen oo shacabkiisa ugu baaqay ” Inay deegaanadooda kusoo noqdaan ” ( Daawo )

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maanta Shir Jaraa’id Ku qabtey Magaalada Baydhabo  ayaa waxaa uu si aad u Cambareyay Dilalkii Kala duwana ee Ka kala dhacay Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo,

Madaxweynaha ayaa Ugu horeen tacasiyo u direy Dhaamaanba umadda Soomaaliyeed , gaar ahaan Ehladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Dadkii Shacabka ahaa sida Xaqdarada ah loogu diley Deeganada Galmudug, Isagoona Alle ugu bariyay in jannadii Fardowso ka waraabiyo,

Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa baaq udirey Dowlad Goboleedka Galmudug in Jawaab Deg Deg ah Naga soo sii-so Labadii dhacdo ee ka kala Dhacay Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo lagu laayey Dad Masaakiin ah oo Ganacsata ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku noolaa Deegaanadaaasi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading