Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa aad u soo xoogaysanayey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo madaxda dawladda fadaraalka Soomaaliya.
Khilaafka ayaa la aaminsan yahay inuu dibadda u soo baxay wixii ka dambeeyey subaxnimadii Jimcaha, markaasoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyey in aan “dhulka dowladda la hibeyn karin, la bixin karin, lana wareejin Karin”.
Qoraalkaas waxaa lagu sii daray “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay kaddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro [ay jiraan] muwaadiniin iibsad[t]ay ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”
Haddaba gobolka banaadir ayaa isna qoraal soo saaray uu kaga jawaabayo kan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Dulucda qoraalka ayaa ah in aysan jirin dhul ay wasaarad leedahay oo gobolka Banaadir iyo dawladda hoose ee xamar ay bixiyeen.
Waxaa kale oo qoraalkaas ku qoran in aysan xafiiska madaxweynaha ka soo gaarin fasax bixin dhul dan guud ah, dawladda hoose ee Muqdishana aysan samayn wax takri fal ah.
Qoraallada la is dhaafsaday ka sokow, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, wuxuu aad ugu ololaynayey in la qabto shir looga hadlo maqaamka caasimadda, kaasoo ay ku taageersanaayeen beelaha u badan Muqdisho qaarkood.
Shirkaas ayaa baaqday oo aan qabsoomin xiligii loo qabtay sababo loo malayanayo in ay la xiriiraan wadatashiyada qabsoomidiisa oo aan la isku af garan.
Waa halkaas meesha dadka arrintan u dhuun-daloola ay rumaysan yihiin inay sartu ka quruntay, oo lagu kala booday.
Shalay, xalay iyo maanataba shirar is daba joog ah ayaa socday, kuwaasoo ay yeelanayeen odayaal beesha uu guddoomiyaha gobolka ka soo jeedo ka tirsan oo dhinac ah, iyo kulammo iyaguna ka dhacayey madaxtooyada Soomaaliya.
Khilaafkan hada dibadda u soo baxay,ayaa su’aalaha ay dadku iska weydiinayaan waxaa ka mid ah in uu yahay mid xurguf kala dhex dhigi kara madaxda, maadaama dhinac kasta uu isu muujinayo inuu danta shacabka ilaalinayo, dastuurkana raacayo.
Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayay kala cadaan doontaa cida dadaku qaadi doono.
Cadaadiska siyaasadeed ee soo fuulay Guddoomiyaha Gobolka banaadir,ayaa ka soo bilowday wixii ka danbeeyay 17-kii bishii December ee sanadkii hore markii la weeraray Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xarigii loo geystay xilligaasoo Guddoomiye Taabid muujiyay sida uu uga xun yahay falkaas, isla markaana ka qeyb qaatay dadaaladii ay wadeen Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ahd owlada Fadaraalka ah ee lagu sii daayay.
Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha muujiyay door iyo firfircooni ku aadan beelaha Muqdisho, taas oo culeys ku noqotay Madaxda qaar ee dowladda, iyagoo u arkayay in tani ay tahay mid saameyn ku ah ku negaanshahooda xafiiska.
Dhacdooyinkii ay dowladdu wajahday muddada ay jirtay ee hoos u dhigay sumcadda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisu wasaaraha, Thaabit waxa uu noqday siyaasi aysan saameyn oo xallinteeda sumcad ku helay, maadaama uu u muuqday siyaasi aan dhex maquuran ceebahaasi,
Kasbasahda dadka dowladda dhaliila ee uu kasbaday ayaa iyaduna ah mid aan laga jecleysan Madaxtooyada kooxdu isku wareejisay.
Ku dhowaanshaha Madaxweynaha oo dhan ah iyo kasbashada bulshada oo dhan kale ah ayaa dhalisay su’aalo badan oo Madaxweynaha saaxiibadiis ay is weydiiyeen.
Dadka isha ku haya xaaladan waxay tilmaamayaan in aysan lama filaan noqon doonin Taabid oo badala Khayre ama Taabid oo maalmaha soo socda waaya xilkiisa.
Looba joogee kooxda daadku qaado oo loolanka siyasaadeed ee socda looga adkaado.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.