Lataliyaha Amniga RW Itoobiya oo shaaciyay marka ay aqoonsanayaan SL

Dowladda Itoobiya,ayaa difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland.

Ridwan Xuseyn oo ah la-taliyaha amniga Qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali waraysi uu siiyay TV-ga Qaranka Itoobiya EBC,ayaa yiri…..

“Marka nalagu wareejiyo halka Saldhiga aan ka dhisanayno oo aan degno kadib,ayaan aqoonsanaynaa Somaliland”

Markaad daawato waraysiga Lataliyaha Amniga Abiy,waxaa macquul kula noqonaysa Xogta sheegaysa in Abiy 7-jeer soo wacay Xasan oo uu ujawaabi waayay.

Sidoo kale,waxaa kuu muuqanaysa in ay wax ka jiraan xogta kale ee sheegaysa in Itoobiyaanku ay leeyihiin,waan ka saaraynaa heshiiska Saldhiga iyo Kirada ee Dowlada Somaliya wada hadal hanala furto.

Hadii isfahanku noocaan yahay SL waxaysan ka fiirsan ayay samaysay oo ku dhiiratay umana heli karto jawaabo su’aalahan muhiimka ah ee kala ah….

Yaa damaanad qaadaya in Itoobiya fulinayso ballanta aqoonsiga SL?

Yaa damanaad qaadaya in Itoobiya xurmaynayso xeerarka caalamiga ah oo aysan wadan qorshe qarsoon?

Haday Itoobiya xeerin waydo Sharciyada caalamiga ah oo ay ka talowdo waxii lagu heshiiyay Maamulka SL muxuu uga jawaabayaa?

Wal walka jira,wuxuu yahay damaca Itoobiya ee Bad raadiska ah ee uusan qarsan Ra’isalwasaare Abiy.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading