Lataliyayaasha Difaaca iyo Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo la magacaabay

MAGACAABIS : LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DIFAACA IYO DHISMAHA CIIDANKA.

Garoowe : 14 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.

  1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)
  2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere
  3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen
  4. S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)
  5. S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading