Lix iyo toban ku dhimatay goob laga qodo dhuxusha dalka Pakistaan

Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan lix iyo toban qof ay ku dhinteen labo gobood oo laga qodo dhuxusha, kadib markii uu qarxay gaas ku dahaaran godka ay dhuxusha ka qodoyeen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Balochistan ee galbeedka dalka Pakistan.

Kooxaha gurmadka ayaa wali isku dayaya inay soo badbaadiyaan afar qof oo kale oo wali ku dhex xayiran godka, kadib markii uu burburay godkii ay dhuxusha ka qodayeen.

Xaaladda dadka qodo dhuxusha ayaa la sheegay inay aad u adagtahay, waxaana dhacdo tan lamid ah oo ka dhacday magaalada Kariz ku dhintay afar qof oo kale, kuwaasi oo meydkooda ay soo heleen kooxaha gurmadka.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dad kale ay wali ku xannibanyihiin halka uu qaraxa ka dhacay.

Ammaanka goobaha laga qodo macdanta ee dalka Pakistan ayaa la sheegaa in aysan wanaagsaneyn, iyadoo na bishii la soo dhaafay dhacdo tan lamid ah ay ku dhinteen sideed qof.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading