Lix Milyan oo Ukrain ah Oo wajahaya Koronto la’aan xiliga Qaboobaha

Ukraine,ayaa Jimcihi soo celisay qeyb ka mid ah awooddeeda tamarta, hase yeeshee wali waxa ay koronto la’aan heysaa malaayiin ruux oo wajahaya mugdi iyo qaboow aad u daran, kaddib marki ay ciidanka Ruushka dukheymo cirka ah ku burburiyeen Warshadaha Korontada.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku boorriyay dadka reer Ukraine, inay korontada beekhaamiyaan oo aysan wax walba u adeegsan, haddiiba ay koronto helaan.

Wuxuu sheegay in 6-milyan oo ruux ay wali koronto la’aan yihiin.

Madaxda Gobollada ugu daran ee ay saameysay koronto la’aanta ayaa dadka ugu baaqay in ay dalka ka baxaan, si aysan ugu dhiman gaajo iyo qabowga barafka xilliga qaboobaha ee foodda nagu soo haya.

Qabowga hadda ka jira Ukraine,ayaa gaaray darajada ka hooseeyso eber. Khubarrada,ayaa ku tilmaamay dukheymihi uu Ruushka ku bartilmaameedsaday Warshadaha awoodda tamarta Ukraine, kuwi ugu xumaa tan iyo marki uu billowday duulka Moscow ee Ukraine.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading