Lubnaan: Ra’iisulwasaare Sacad Al-Xariri oo is-casilay

Ra’iisulwasaarihii Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri, ayaa is-casilay, kaddib dibad-baxyo Todobaadyadii ugu dambeeyay ka socda Dalkaas.

Dibad-baxyadan oo ay dhigayeen Dadka Reer Lubnaan ayaa ay uga cabanayeen Dhaqaalo xumo iyo Musuq-maasuq baahsan oo ay ku eedeeyeen Xukuumadda Al-Xariiri.

Sidoo Kale, Shacabka oo soo buux dhaafiyay Waddooyinka Magaalooyinka waa weyn oo ay kamid tahay Beirut, ayaa ka biyo diiday is-bedel uu ku sameeyay Ra’iisulwasaare Sacad Al-Xariiri dhaqaalaha ay qaadanayeen Golihiisa Wasiirada iyo Canshuuro ay soo rogtay Dowladda oo Guud ahaanba uu laalay.

Mr. Al-Xariri ayaa Is-casilaadiisa u sababeeyay inuu u turay Dalkiisa, waxaana uu ku baaqay Is-bedelka ay dalbanayaan Bulshada Reer Lubnaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading