M.Gobolka Gardafuu oo beeniyay Markabkii la afduubtay

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu,waxuu noo xaqiijiyay in warka Markabka ee ay qortay Rauters uu been abuur yahay.

“Markabka cilad baa qabsatay,kadibna waxuu kusoo dhawaaday Xeebta markaan ka shakinay oo aan utagnayna waan caawinay hadana ciladii waa ka baxday oo wuu anba baxayaa”Ayuu yiri Gudooomiyaha G.Gardafuu.

Isagoo hadalka sii wata,ayuu yiri markale..”Waxaa jiray dhalinyaro markabka fuushay oo dhawr Qori ka qaadatay,iyagana waan ku daba jirnaa si aan gacanta ugu soo dhigno”.

Rauturs oo soo xiganaysa maamulka Gardafuul,ayaa maanta shaacisay warka afduubashada Markabka siday Saliida ee ku socday Muqdisho kana yimid Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay,kaasoo ku safrayay Calanka Panama.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading