M.Xigeenka Kenya Oo Mooshin laga keenay

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gudbiyaan mooshin ku saabsan xil ka qaadis la doonayo in lagu sameeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua

Hogamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu, Kimani Ichung’wah, ayaa xaqiijiyay in moshinka ka dhanka ah Gachagua la hor geyn doono baarlamaanka xiliyada duhurada manta.

Si mooshinka u dhaqan galo, waxaa loo baahanyahay taageerada 233 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana jira warar sheegaya in durbaba 302 xildhibaan ay saxiixeen.

Madaxweyne ku xiigeenka ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobka 10-aad ee dastuurka dalka oo la sheegay inay horseedi karo kicin iyo nacayb bulsho.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inuu jabiyay qoobada kala ah 147, 148, 174, 186 iyo 189 ee dastuurka oo ka hadlaya dhaqanka iyo mas’uuliyaddiisa ka madaxweyne ku xiigeen ahaan.

Waxaa uu sidoo kale iska difaaci doonaa eedeymo loo soo jeediyay oo la xirriira musuq maasuq iyo inuu si khaldan u adeegsaday lacagta canshuur bixiyeyaasha.

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading