Boosaaso: 20 December 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Bari.
Kulanka oo ay Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyeen Guddiga ka talabixinta sarifka lacagaha, Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Rugta Ganacsiga Puntland, waxaa looga hadlay dardargelinta go’aamadii dowladdu ku xalisay cabashooyinkii sicirka sarifka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga arrimahan ka shaqeynayay iyo ganacsatada, wuxuuna faray dhammaan ganacsatada Puntland in ay isticmaalaan Shillin Soomaaliga, Iyadoo dowladduna ay hore u hirgelisay tallaabooyin lagu horumarinayo isticmaalka Shillin Soomaaliga.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.






Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.