M.xigeenka PL oo qayb ka ahaa Dadka Codkooda dhiibtay

Garowe: 23 July 2024 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isagoo ka codeeyay goobta codbixinta ee Iskuulka Ilays.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wadaagay dareenkiisa bulshada in uu ku faraxsanyhay in uu codkiisa dhiibtay maanta.

Doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa maanta ka socota degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo ay kumanaan Dadweyne ah safaf dhaadheer saaka u istaageen in ay codeeyaan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading