M.xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay Xarunta Midowga Yurub

Brussels: 02 September 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ku sugan dalka Belgium, ayaa ka qayb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo Jaaliyada Puntland ee Belgium ugu sameeyeen Caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Jaaliyadda la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan shaqooyinka dalkii laga qabtay iyo Kuwa socda, sida horumarka xagga Amniga, Dimuqraadiyadda ka hirgashay Puntland iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku uga mahadceliyey jaaliyadda dadaalkooda isku xirnaantooda iyo ka warqabka dhulkii, isagoo ku booriyey in ay qeyb ka qaataan horumarka iyo maalgashiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa munaasabadda kala qeybgalay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland, Wakiilka Puntand ee Midowga Europe, Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Belgium iyo qeybaha kal duwan ee Jaaliyadda Puntland ee Belgium.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading