Ma dhabaa in Diblomaasiyiinta Xalane iyo Duulimaadyada Aadan-cade in ay PL usoo wareegayaan?

Garowe,waxay noqon kartaa Xarunta Labaad ee Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ee Somaliya ka hawlgala.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo noqday kan Labaad ee ugu weyn Somaliya,waxa uu qaabili karaa isticmaalka Diyaaraadaha Caalamiga ah ee yimaada Somaliya.

Sida lagu helayo xogo hoose Diblomaasiyiinta Shisheeye,ayaa ka fakaraya Garowe in laga sameeyo Xarun Labaad oo ay ku hawlgeli karaan.

Sidoo kale Somali Aviation iyo QM,ayaa wada qorshe Garoonka Bosaso loogu leexinayo Qaybo ka mid ah Duulimaadyada.

Arimahan,waxay ka dhasheen Sadex arimood oo kala ah…

1.Amniga Xamar oo sii xumaanaya.
2.AS oo kusoo dhawaanaya Muqdisho.
3.Adeega Garoonka Aadan-cade oo hooseeya.

PL,waxay ka muujisay awood dagaalka argagixisada ee gudaha Magaalooyinka iyo Buuraha,waana mida usamaysay soo jiidashada.

Waxaa kaloo soo jiidashada qayb ka ah baaxada,Dhismaha iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo noqday mid casri ah oo amnigiisu sugan yahay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading