Ma dhabaa in Madaxweyne Waare Mooshin laga keenay?W/Q Maxamed Ciise Maxamuud

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen warar ku saabsan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo diyaar garowgiisa ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ay kala hoggaaminayaan Guddooomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.
 
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa la sheegayaa in kulamo uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre, sida ilo wareedyo ay xaqiijinaya.
 
Wafdiga la socday Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la sheegay in aann loo ogolaan inay goobjoog ka noqdaan kulanka dhexmaray isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan ka wada hadleen.
 
Maalin Kadib kulankaasi Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa wafdiga la socday ee ku sugan Muqdisho iyo xubnaha ku sugan magaalada Jowhar, wuxuu ku wargeliyay inuu arimo caafimaad u yimid magaalada Muqdisho, si aan xog badan looga helin kulanka uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha.
 
Sida u dhigayo dastuurka maamulka Hirshabeelle 33 Xildhibaan ayaa keeni kara mooshin ka dhan ah Madaxweynaha talada haya, waxaana uu xilka weynayaa marka ay codeyn ku aqbalaan 66 Xildhibaan.
 
Sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, inkastoo socdaalkiisa yahay mid gaar ah.
 
Xildhibaanada Hirshabeelle oo magaalada Muqdisho aan ka bixin ayaa dhowrki maalmood ee la soo dhaafay olole ka dhan ah Madaxweyne Waare waday, iyagoo shirar gaar gaar ku yeelanayaan hotelada.
 
Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa inuu sameeyo isku shaandheyn si uu u dejiyo xiisada siyaasadeed ee kaga soo fool leh Xildhibaanada.
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Waare uu doonaya in ka hor shir madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacaya magaalada Kismaayo 3-da bisha September uu sameeyo isku shaandheynta golaha wasiiradda oo culeesyo badan ay ka heysato xulushada xubnaha ka mid noqonaya iyo kuwa xilalka weynaya.
 
Mooshinka laga diyaarinayo Madaxweyne Waare oo aan weli loo gudbin Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga yaabaa in lagu soo beelo xilliga uu Kismaayo u aadayo shirka ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.
 
W/Q Maxamed Ciise Maxamuud
Mcmaxamuud1@gmail.com

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading