Ma dhabaa in Shirka Madasha Qaran lagu qabanayo Kismaayo?

Sabtida oo ay Bishu ku beegan tahay 10-Aug,qorshaysnaa in Shirka Bartamaha iyo Koonfurta & Dowlada Xamar uu ka furmo Isla Xamar.

Balse Axmed Madoobe,ayaa diiday in uu kasoo qaybgalo Laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah….

1.Isku dhac weyn oo ka dhex jira isaga iyo Xamse oo ay ugu danbaysay khudbadii Xamse Maalin ka hor jeediyay oo Axmed aad udhibsaday hadaladii sida uu uhadlay.

2.Axmed oo diidan qorshaha Xasan wato ee Doorasho rabana in uu wakhtiga lumiyo inta laga gaarayo Bishan dhamaadkeeda ama tan danbe horaanteeda oo uu qabsanayo Doorashadiisa.

Xasan oo fahansan khiyaamada Axmed,ayaa go’aansaday in uu tago Kismaayo kana soo raaligeliyo Axmed wixii uu dhibsaday si gaar ahna ugu maamuso in uu qayb macno leh ka helayo Lacagta $125 Milyan ee Kabista Miisaaniyada ee laga helay Dibada.

Balse Axmed,waa ka cudurdaartay imaanshaha Xasan ee Kismaayo Maalinka Arbacada ah.

Haatan,waxay wadaan kooxda Villa Xamar qorshe Labaad oo Axmed khiyaamadiisa lagu fashilinayo,taasoo ah in Shirka gebigiisaba loo wareejiyo Kismaayo.

Saan xogta ku helay Axmed qorshaha Labaadna,waa ka caga jiiday,wuxuuna fahansan yahay hadii Kismaayo loogu yimaado in culays kale sii fuulayo oo tanaasul laga rabo maadaama Marti loo yahay.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading